Buy Now! Documentation

Breaking News

WAA MAXAY FAA'IIDOOYINKA CAAFIMAAD EE LAGA HELO XABXABKA /QARAHA.

Qaraha ama xabxabka : waa mid ka mid ah waxyaabaha aan aadka u isticmaalno, caruur iyo cirool labadaba si aad ah ayay u isticmaalaan hadana ma jirto dadka cuna qof si dhab ah u yaqaana Qaraha, maadooyinka laga helo iyo Xubnaha sida gaarka ah Qaruhu ugu fiican yahay

1. Vitamin A: Waa maado ka mid ah maadooyinka laga helo Qaraha waxay si gaar ah ah ugu fiican tahay Wadnaha, Sambabada iyo Indhaha.

2. Vitamib B6: Waa maado kale oo Qaraha aad looga helo waxay si gaar ah ugu wanaagsan tahay Neerfaha, Murqaha, Dhiigga qofka iyo Xusuusta

3. Vitamin C: Qaraha ayaa maadada laga helaa waxayna si gaar ah u xoojisaa Difaaca Jirka, Maqaarka, Ilkaha iyo Xididada Dhiiga

4. Potassium: Wa mid ka mid ah maadooyinka Qaruhu kaga fiican yahay Khudaarta kale waxayna u fiican tahay Sokorta, Dhiigkarka iyo Murqaha

5. Lycopene: Maadadan Qaraha ayay aad uga buuxda waxayna u wanaagsan tahay Xubalnaha Taranka, Hormoonada iyo Hurdada.

6. Magnesium: Waxaa laga helaa Qaraha waxay u fiican tahay xasaasiyada, koriinshaha, cudurada halista ah sida kansarkana way ka hortagtaa. 



0 Comments