Buy Now! Documentation

Breaking News

DARAASAD: Samaynta Ardayga ku leeday in wakhtiga Casharka la sharxayo isdicmaalan Mobile ka

 



Daraasad ay sameysay jaamacada Rutgers oo ay ku ogaaneyso saameynta uu ardeygu ku leeyahay in waqtiga casharada ee fasalka dhexdiisa uu ku mashquulo mobilekiisa.Hadaba ardeyda ayaa loo qaybiyey laba qaybood ;qayb waqtigii casharka ku mashquuley mobilekooda iyo qayb casharka iyo sharaxiisa awooda saarey.Daraasadan ayaa lagu ogaadey in qolada mobile-kooda ku mashquuley kala badh ay hoos u dhaceen dhibcaha ay keeneen imtixaanka.

Daraasadu waxa kale oo ay daaha ka feydey in ardeyda waqtiga casharka iyo sharixiisu socdo ku mashquula mobile-kooda uu aad hoos ugu dhaco xifdigooda.Rugters ayaa darasadan ku sameysay 118 ardey oo dhigta cilmu nafsiga.kala badh ardeyda ayaa loo qaybiyey mobilo iyo laabtoobyo halka kala badhna aan waxba lasiin.Ardeydii ayaa lasiiyey cashar isku mid ah macalin isku mida iyo waqti isleeg.Waxa cilmibaadhistani daaha ka feydey in ardeydii isticmaalayey qalabka electroniga ah ay dhibca
hoodu aad u hooseeyeen islamarkaana fahankooda iyo xifdigooda mustaqbalka fog uu noqdey mid taban.

Ardeyga ayaa dareenkiisa oo dhan ku jeedinaya isticmaalka iyo wadwadka mobilekiisa halka uu diirada saari lahaa fahanka casharka iyo sharixiisa taas oo aad hoos ugu dhigeysa fahanka iyo xifdiga mustaqbalka fog ,arrinkan ayaa sidoo kale kala badh hoos u dhigaya dhibcaha uu ardeygu keenayo marka ay gaadho waqtiga imtixaanka.

Dawad Chronicle.com

0 Comments