Buy Now! Documentation

Breaking News

Kuma ayuu ahaa Abwaan kadiye AHUN?


Galabta ayuu geeriyooday Alle ha u Naxariistee abwaan jaamac kadiye oo ahaa bahda maansada iyo dhaqanka ee Gobolkaas

Abwaanka AHU waxaa uu ahaa waayo joog wax badan bulshadiisa u taray kaas oo tireyey gabayo fara badan, sida la sheegay waxaa uu da'diisu ku dhawayd ama ahayd 70 jir. 

Sidoo kalena Abwaanku waxaa uu ka mid ahaa oo ka tirin jiray gabayadiisa xiligii ama hilaadii somaali weyn mareegaha radio moqdisho iyo radio hargeisa taas oo si wacan loogu aqoonsaday abwaanka. 

Abwaan kadiye AHUN waxay gabayadiisu soo gudbin jiray u badnaayeen suugaanta diinta iyo dhaqanka iskugu jira. Aqoon ahaan abwaanku waxaa uu qof aqoon iyo akhlaaq wanaagba isku darsaday waxanu ku hadli jiray luuqaha soomaliga iyo carabiga. 

Abwaan kadiye ayaa ka mid ahaa gabayaadii dadka soomaaliyeed ku dhiiri galiyey dagaalkii 1977 -kii , soomalida inay difaacaan dhulkooda ilaaliyaana cirdiga iyo sharafta dadka soomaaliyeed. Kaas oo ka tiriyay gabayo fara badan oo ka hadlaaya isku duubnida iyo wadaniyada. 

Alle ha naxariistee Abwaanka ayaa u socdaalay wadamada dibada kuwaas oo uu kaga qayb galay bandhig dhaqmeedyo kala duwan oo ku saabsan dhaqanka soomaaliyeed.  

Ugu danbayn, caawa ayaa uu ku geeriyooday duqaymo ay ciidamada somaliland ku garaaceen magaalada laaso-caanood ee xarunta gobolka sool. Alle ha u Naxariisto waxaa uu Abwaan ka baxay dhamaan ummada soomaaliyeed. 

Waxaan si gaara uga tacsiyaynaa ehelkiisa, qoyskiisii iyo qaraabadisii uu ka baxay samir iyo iimaana saadiqa Alle ha siiyo. Isagana Alle ha u Naxariisto..


Kala Soco Dawad Times Magazine warar, Warbixino iyo taariikh intaba kuna xishnoow markasta 

0 Comments