Buy Now! Documentation

Breaking News

Waa kuma engineerkii 13 -sano u shaqaynaayay xaramka?

 

Engineerkan ayaa 13 sano u shaqaynayey Xaramka sharafta badan lacag la'aan, Maxamed Kamaal Ismaaciil, wuxuu u dhashay dalka Masar ,ninkan waxa loo xilsaaray balaadhinta  xaramka,sidoo kale wuxuu dib u dhisay Masjidka quruxda badan ee Salaaxu-diin Al-Ayuubi (Masar), dekedo badan, xidhista Wabiga Niil.

waa qoraaga qoray Kitaabka "العمارة الإسلامية "kaasi oo noqday meesha ay u noqdaan  cid kasta oo dhisaysa Masjid.  Boqor Fahad ina Cabdicasiis ayaa u doortay ninka balaadhin doona Labada Masjid ee Xurmada leh.

Wixii ugu waynaa ee Engineerkani sameeyey waxa uu ahaa dhigista Marmarka nuuga falaadhaha Qorraxda, taasi oo uu 50% ka dhigay falaadhihii Qorraxda kuwo la nuugay.


Wuxuu socdaal u maray  bari iyo galbeed guriga Eebbe iyo u adeegiisa, sanadkii 2008 ayuu geeriyooday isagoo ah 100 sano jir Alle naxaristii jano ka waraabiyo isaga iyo wixii muslima ee dhintayba.  

Ninkan ayaa ku suntan taariikh iyo magac wanaagsan oo uu aduunka kaga tagay, waxaana la doonayaa in la helo engineero isaga oo kale ah oo sidaas uu u dadaalay u dadaala. 



Kala soco markasta dawadnews wararka iyo warbixino la hubo 

0 Comments