Buy Now! Documentation

Breaking News

Daraasad: Faa'iidooyinka jimicsigu ama jidh dhisku u leeyahay dadka waaweyn.

 Daraasad cusub oo ay sameeyeen khubaro ka socotey jaamacado ka mida jaamacadaha dalka japan ayaa lagu sheegay in jimicsigu uu faa’idooyin badan u leeyahay dadka waaweyn, gaar ahaan Dadka da’doodu tahay 50-ka sano inta ka weyn. Daraasadan oo lagu baadhey ilaa 39 daraasadood oo hore looga sameeyey jimicsiga iyo faa’idooyinkiisa iyo daraasad cusub oo tijaabooyin martey ayaa natiijada kasoo baxdey lagu sheegay in jidh dhisku uu soo celiyo xasuusta maskaxda dadka waaweyn, sidoo kalena uu jidhkooda ka dhigo mid adag oo aan jilicsaneyn oo caafimaad qaba.



Waxaaney khubarada daraasadan sameysay tilmaameen in dadka waaweyni u baahan yihiin jimicsi ay sameeyeen 4-tii todobaadba shan cisho ama wax kasii badanba. Baadhitaanka ay khubaradu ku sameeyeen daraasadaha hore ee laga sameeyey jimicsiga & faa’idooyinkiisa ayaa ah mid la isku bar bardhigaayey, natiijadaa hore ee lasoo saarey iyo natiijada cusub ee hadda soo saareen, taas oo labaduba cadeeyeen in jimicsigu kor u qaado shaqada maskaxda iyo wanaajinta xusuusta qofka.


Dadka tijaabada lagu sameeyey intii ay socotey daraasadu ayaa lagu tijaabiyey shaqooyinka maskaxda, feejignaanta, xifdiga, habka ay macluumaadka u gudbineyso iyo meelo kale oo badan, waxaaney khubarada daraasadan sameeyey cadeeyeen iney cilmibaadhistoodan ku ogaadeeen in jimicsigu uu caawiyo iney maskaxda dadka waaweyni u shaqeyso hab kor u kac ku jiro, dibna ay usoo noqon karto xasuustoodu gaar ahaan inta lagu jiro da’da 50-sano jirka iyo wixii ka sareeya. 


Maadaama ay soomali ahaan jidh dhiska ama jimicsiga aad ugu liidano inkastoo baryahan danbe dhalinyarada soomaaliyeed fahmeen caafimaadka iyo firfircoonida ku jirta jimicsiga jidhka laakiin weli ma fahmin dadkeena waaweeyn ee daraasadani sida gaarkaa u sheegtay. Waxaa muhiim ah inaynu ku dhiiri galino dadkeena waaweeyn inay ilaaliyaan habdhiska jidhkooda iyo caafimaadkoodaba Alle yaa caafimaadka hayee.



0 Comments