Buy Now! Documentation

Breaking News

FADLIGA 10 KA CISHO EE DUL XIJA.


Waxaaynu tilmaami doonaa wax ka mida wanaagyada maalmahaa 10 ka ah u soo arooray , si ay xasuusin ugu noqoto naftayda iyo nafihiina , oo aynu uga faa`idaysano :-


1. Maalmahani waa maalmaha uu ilaahay ugu jecelyahay uguna fadliga badan aduunyada.

Dadka qaar maalmahooda ugu fadliga badan , waa markay wax barashada dhameeyaan ee shaqo fiicana helaan , dadka qaarna waa marka ay guursadaan , dadka qaarna waa marka ay dhoofaan eey dibada aadaan , dadka qaarna waa markay jaamcad dibada ahi aqbasho ee halkaa uu wax barasho u tago, dadka qaarna waa marka ay magac yeeshaan, laakiin bal eega nabigeena muxamed SCW muxuu ka ydhi maalmaha aduunyda ugu fadliga badan uguna wanaagsan , wuxuu yidhi:-

“Maalmaha dunida ugu fadliga badani waa 10 cishee dul xijjah” waxa kale oo uu yidhi suubanaheenu CSW “ma jirto maalmo uu alle ka jecel yahay camalka lagu dhex samaynayo 10 kan cishee dul xijjah” saxaabadii baa yaabay oo waydiiyay nabiga CSW : xataa nabi allow jihaadka miyay ka fadli badanyihiin , wuxu nabigu yidhi CSW “xataa jihaadka way ka fadli badanyihiin balse nin naftiisa iyo xoolihiisaba la baxay oo aan waxba la soo noqon”.


2. Ilaahay baa ku dhaartay 10 kan cisho
.

Haduu ilahay wax ku dhaartona , waxay ku tusinaysaa waxaa uu ku dhaartay inuu yahay wax qiimo badan oo aad u wayn , waayo alle wayne SWT kuma dhaarto mooyaane wax wayn. Waxa uu yidhi alle SWT ((waxaan ku dhaaranayaa waa bariga iyo habeeno 10 ah)) [surah al fajr _1-2] , 10 kaa habeen ee alle ku dhaartay waa 10 ka cishee dul xijjah , waana sida ay ku fasireen culimada quraanka fasirta badankoodu.


3. Maalmahan waxa ka mida maalinka weyn ee carrafa
.

Maalinka carrafana , waa maalin fadli gaar ahi u soo arooray, waa maalinka dadka xajayaa acmaasha ugu badan ay qabanayaan , kuwa aan xajayna ay sooman yihiin , waa maalin nabigu CSW uu tilmaamay in dunuubta la dhaafo , naartana la iska xoreeyo,waa maalinku alle inoo dhamaystiray diinkeena suubaan.

iyo kuwo kale oo badan oo halkan lagu xusi karayn.

0 Comments