Buy Now! Documentation

Breaking News

TALOOYIN FIICAN OO KU SOCDA DHAMAAN ARDAYDA U FADHIISANAYSA IMTIXAANKA SHAHAADIGA JSL .

1.NOQO ARDAY DIYAARSAN :- 

 Ardayga waxaa looga baahanyahay inuu ahaado arday diyaarsan oo abaabulan kaas oo kalsooni iyo dhiiranaan buuxda ku qaba naftiisa iyo weliba dadaalkiisa 12 sano ee uu soo wadday.

2. HA CABSAN:-  

Ardayda badankoodu waxay cabsi iyo baqo ka qaadaan markay maqlaan waxa la galayaa intixaankii qaranka. Niyada ka saar cabsidaa kana soo qaad inuu la mid yahay kuwii dugsiga ku gali jirtay oo kale adoo dadaalkaagana laban laabaaya.

3. AKHRIS BADAN LA IMOOW :- 

 Waxaa looga baahanyahay ardaygu inuu noqdo arday ay sareeyso wax akhriskiisa iyo wax baadhistiisa aqooneed. Sababta oo ah akhrisku waxaa la yidhaahdaa waa hubka lagu kala adkaado marka fagaaraha goobaha imtixaanka ardaydu timaado.Markaa yaan lagaa akhris badnaanin marnaba.

4.KA FOGOOW WAXKASTA OO MASHQUULINAAYA MASKAXDAADA :-  

Ka dheeree maskaxdaada waxyaabaha u keenaaya inay mashquul noqoto sida isticmaalka badan ee baraha bulshada, sheekada, iyo saaxiibada wakhti lumiskaa ee waxba qaybin waxna kusoo kordhinayn. Ka dhig halbeega maskaxdaada mid aad xooga iyo awooda ku saarayso duruustaada oo kaliya.

5. FILASHO IYO RAJO WACAN RAJEE :-

Inta badan ardaydu waxay muujiyaan niyad jab iyo wer wer badan oo maalmahan soo foodsaara kuwaas oo aad wejiyadooda iyo dareenkooda guudba laga akhrisan karo. Hadaba waxaan ku leeyahay ardayoow taas niyada ka saar oo filo ama rajee wax wanaagsan oo aad ku faraxdo sababta oo ah tareenka noloshu marnaba imtixaan iyo hawl kama dhamaadaan oo aduunyo sideedaba imtixaan loo joogo.


6. RAJEE MEEL SARAYSA :- 

Adiga oo aan eegaynin dadaalkaaga iyo waxtarkaaga hadana inaad meel saraysa rajayso waa sunnaha nolosha ee hal beega u ah inuu qofku markasta hamigiisu ka wayn yahay wuxuu rabo ama doonaayo. Murti carbeed ayaa lahayd : من علامة كمال العقل علوُّ الهمة.


7. ALLE  TALO SAARO :-

Noqo arday wanaagsan oo xidhiidh saafiya oo joogta la leh Allah, tukada santa salaadood waajibkaa, adeeca waalidkii, afkiisa iyo adinkiisu ka nabad galaan dadka muslimkaa. Hadaad tahay arday wanaagsan oo Alle xidhiidh toos ah la leh wuxuu Alle na kuu fududeynayaa adigana dhamaan amuurahaaga iyo waxkasta oo u baahnato. Hadii Alle garabkaaga yahay cidkale waxba ugama baahnide talo saaro Rabbigaa oo toosnoow.


Ugu danbayn, waxaan u rajaynayaa dhamaan radayda kala duwan ee fasalada 4aad ee dusgiga sare iyo fasalada 8aad ee dugsiga dhexe guul iyo natiijo sareeysa leh oo aad ku faraxdaan idil ahaantiinba. Alle ha idiin fududeeyo ixtiraamka ardayeey ee idina dadaalka lahaada insha allah.

0 Comments