Buy Now! Documentation

Breaking News

Meere leh sadex qoraxood oo la ogaadey

 

Meere leh saddex qorraxood oo la ogaadey.

Meere leh saddex qorraxood ayaa dhawaan lasoo helay .Waxaana lagu magacaabaa LTT44Ab .Waxa uu dhulka u jiraa fogaan dhan 22.5 sanad ileys (halkii sanad ileys waxa uu u dhigmaa 9.46 trillion km ama 5.88 trillion miles ) waxaana lagu ogaadey xog uu ururiyey satellite wax sahamiya oo ay Nasa leedahay oo layidhaahdo transiting exoplanet survey satellite (TESS). 

Maarahan waxa uu ku wareegaa hal mid oo ka tirsan saddexda qoraxood ee uu leeyahay ,taasoo uu ku wareego mudo shan maalmooda 

waxaa la rumeysan yahay inuu meerahani uu saddex jeer ka weyn yahay dhulka isla 
markaana uu 8 jeer cuf ahaan ka culus yahay dhulka halka uu heerkulkiisu yahay 160 
digrii celcius ama 320 fahrenheit .Marka laga eego hawada dhulka aynu ku nool nahay waxa uu dul heehaabayaa 3 qoraxood yeelkeedee laba ayaa aad uga fog ayey tiri jennifer winters oo daraasada wax ka qortey oo u warantey new scientist .


kala soco markasta dawad Times magazine warar, warbixino, taariikh, siyaasad iyo caafimaad intaba.

0 Comments