Buy Now! Documentation

Breaking News

Sacuudi Carabiya ayaa dacwad ku Oogtay waddanka Denmark sababo la xiriira gubitaanka Qur'aanka


Wararka Caalamka: Sacuudi Carabiya ayaa dhawaan dacwad rasmi ah u gudbisay Denmark oo ku saabsan gubitaanka qur'aanka ee Copenhagen. Wakiilka Denmark oo aan magaciisa la shaacin, ayaa la horkeenay qoraal uu ku qeexayo dalabka boqortooyada ee lagu joojinayo falalkan foosha xun ee aan tixgalinayn mabaadi'da diimaha, sharciyada iyo halbeegyada caalamiga ah, 

Sida ay sheegtay wasaaradda arrimaha dibadda ee qaranka Khaliijka Jimcihii. Mudaharaadkan oo ka yimid Sucuudiga ayaa ka dhashay dhacdooyin isdaba joog ah oo kooxaha xagjirka ah ee midigta fog ay meel fagaare ah ku gubeen kitaabka barakaysan ee Islaamka afaafka safaaradaha Ciraaq, Masar iyo Turkiga ee caasimadda Denmark. 

Dhacdo noocan oo kale ah Isniintii, laba qof oo ka tirsan kooxda xagjirka ah, ee Danish Patriots, ayaa ku tuntay nuqul ka mid ah qur'aanka kariimka ah, oo ku shiday saxaarad uu ku sawiran yahay calanka Ciraaq.

0 Comments