Buy Now! Documentation

Breaking News

MADAXWEYNAHA WADANKA RUUSHA OO SI ADAG UGA HADLAY NINKA SWDESHKA EE GUBAY KITAABKA QURAANKA.

 

Madaxweynaha dalka ruusha Valdimir ayaa booqday masaajid ku yaala gobolka Darband ee Wadan waynaha Ruushka maalintii koowaad ee ciidal adxada.


Mr. Putin ayaa kula kulmay halkaas dad muslimiina kuwaas oo gudanaayay waajibka Alle ee salaada munaasibada ciidul adxada. Putin ayaa kula kulmay masjidka sheekhyada ama imaamyada ugu sareeya masjidka kuwaas oo hadyad ahaan u siiyay Kitaabka Quraanka Kariimka.


Madaxweynaha ruusha Valdimir Putin ayaa culimada ugu mahad celiyey hadyada wanaagsan ee kitaabka Quraanka ee ay siiyeen waxaanu yidhi hadal  boorin ah oo ah " Waanu adeeci doonaa sharcigan".


Sidookale Madaxweyne Putin ayaa sheegay inuu kitaabka Quraankaa ee ay gudoonsiiyeen imaamyada masaajidku uu gaysan doono qarsiga madaxtooyadiisa ee looga arimiyo waddanka Ruusha, taas oo ay ku farxeen dhamaan dadkii muslimiinta ahaa iyo culumadii gudoonsiisayba.

Madaxweyne Vladimir Putin ayaa wax laga xumaado oo gef iyo khaladba ku tilmaamay ninka wadanka Sweden u dhashay ee ku xadgudbay Kitaabka Quraanka isagoo meel fagaare ah ku gubay kitaabka Quraanka taaso oo uu ku sheegay inay tahay ku xadgudub diimeed oo weyn.

Ugu danbayn, Valdimir Putin ayaa halkaas ka sheegay inaan marnaba kitaabka Quraanka Kariimka ee diinta islaamka lagu waxyeelayn karin wadankiisa Ruushka cidii ku xadgudubtana laga qaadi doono talaabo adag.


Tarjumid by Dawad Times Magazine. 

0 Comments