Buy Now! Documentation

Breaking News

DARAASAD: Hurdada duhurkii oo ay caruurtu ka helaan farxad iyo fariidnimo.

Cilmibaadhis dhawaan lagu sameeyey mareykanka ayaa lagu ogaadey in caruurta oo la seexiyo duhurkii ay ka helaan farxad dheeraad ah ,fariidnimo iyo waxbarashada oo ay ku sareeyaan ,kana ilaaliso dhibaatooyinka dhinaca anshaxa iyo hab dhaqan xumada.

Cilmibaadhistan oo ay sameeyeen cilmibaadhayaal ka tirsan labada jaamacadood ee Pennsylvania iyo California ee dalka mareykanka natiijadeedana lagu faafiyey joornaalka cilmiga ah ee “sleep” ayaa lagu ogaadey inuu xidhiidh ka dhaxeeyo hurdada duhurkii iyo korodhka farxadda ,xakameynta nafta,hoos udhaca dhibaatooyinka anshaxa iyo heerka fariidnimo ee caruurta.

Tusaale ahaan tijaabooyin la sameeyey ayaa muujinaya in caruurta todobaad kasta saddex maalmood iyo in ka badan seexda uu 7.6% kor u kaco heerkooda waxbarashada iyo gudashada waajibaadkooda tacliinta.Marrka loo barbardhigo caruurta la mid ah ee aan iyagu seexan maalintii. 

Cilmibaadhis hore ayaa iyaduna muujisey in 30 daqiiqo maalintii oo keliya oo ay caruurtu duhurka ka dib seexdaan ay ka caawiso iney si fudud u baran karaan xirfado cusub, nasasho iyo raaxo gaar ahaan iney ku fiicnaadaan barashada afafka.


Kala soco markasta Dawad Times magazine


.

0 Comments