Buy Now! Documentation

Breaking News

JAZIIRADA UGU QURXOON DUNIDA.

 






Jaziirada qurxoon ee lagu magacaabo Maldives oo ku taala ama dhacda qaarrada Aasiya, ahna qaarada ugu booqashada badan dunida. Ayaa waxaa maamuli jiray boqoro soomali ah oo kasoo jeeday boqortooyadii la odhan jiray ajuuraan. 


Waxaa ay boqoradani meesha ama halkan ka aasaaseen nidaam boqortooyo oo ay majaraha u hayeen iyagu iskana dhaxli jireen tafiirtoodu ama qoyskoodu. Sida la sheegay badmaaxii muslimkaa ahaa ee ibnu batuuta mar uu safar ku tagay Jaziiradan maaldives hilaadii 1346 -kii,


Waxa kusoo dhaweeyey boqor somali ah oo lagu yeedhi jiray cabdi casiis muqdishaawi sida uu ibnu batuuta ku xusay buugiisa. Ninkan loogu magac daray waxaa uu ahaa ninkii loogu magac qabsaday masjidka taariikhiga ah ee cabdi casiis oo ku yaalla magaalada xamar.


Jaziiradan ayaa ah wakhtigan dawlad muslima ah waxaana hore diinta islaamka u gaadhsiiyay sheekhii caalimka ee la odhan jiray Sheekh Yuusuf Al-kowneyn. Meeshan ayaa ka mid ah Jaziiradaha ugu dalxiisayaasha badan dunida, waxaana sanadkiiba booqasho iyo dalxiis ku yimaadaa kumanaan qof oo ka yimaada daafaha dunida oo dhan.

Waxaana kasoo gala dawladan ka talisa jaziiradan yar ee ku taala qaarada Aasiya kasoo gala dakhli fara badan oo lacag ah.


Kala soco markasta kala soco warar, taariikh, Warbixin iyo falanqeynta siyaasada.

0 Comments