Buy Now! Documentation

Breaking News

Ruushka oo nidaam cusub tababar ah u furay ciidamadiisa.


 Ruushka oo nidaam cusub oo tababar ah u furay ciidamadiisa.


Ciidamada ruunsha ee ka dagaalamaaya waddanka Ukraine ayaa la bari doonaa nidaamkan cusub ee loogu talo galay ciidanka milatariga ee ruusha ee ka dagaalaamaya guddaha wadanka Ukraine. Waa koorso cusub oo wax ku ool ah taas oo lagu talo galay ardayda dugsiga ee saabsan amniga iyo difaaca.

Sida uu sheegay wasiirka waxbarashada ee dalka ruusha ayaa yidhi " tani waa calaamadii ugu danbaysay ee milatariga ciidanka Ruushka oo marmarba marka ka danbaysa kor usii kacaysa taas oo ay ka faa'iidaysan karaan bulshada ama dadweynaha ruushku.

Waxaanu intaas ku sii daray oo uu xusay ''Xarun ayaa la sameeyay sanadkan si dib loogu tababaro macalimka iyo halyeeyada hawlgalka gaarkaa oo uu ula jeeday ciidanka milatariga," Waxaana hadalka jeediyey wasiirka waxbarashada ee Sergey Kravtsov.

Isagoo sii wata hadalkiisa ayuu sii raaciyay intaas "kuwa ka qayb qaatay dagaalku'' ayuu yidhi waxay ka qayb qaadan doonaan "fulinta mawduuc cusub oo ah mawduucyada iyada oo la siinaayo mudnaanta tababarka wax ku oolka ah ee cusub, kaas oo loogu yeedho "Aasaaska Amniga iyo difaaca Qaranka ".

Dawad News

0 Comments