Buy Now! Documentation

Breaking News

5-tan shay samee markasta si aad u horumariso noloshaada.

 

Qofkastaaba waxaa uu ula halgamayaa noloshan sidii uu naftiisa uga dhigi lahaa mid tusaale iyo ku dayasho mudan, gaadheyna meeshii uu yool keeda iyo riyadeedu ahayd taas oo ah iney horumar iyo guulo badan  gaadho. Hagaag, hadaba walaalky/ walaashey muslimka ahoow ila akhriso qormadan kooban ee aan idiin hibeeyay, taas oo ku saabsan horumarinta Nafsada qofka. Kuma lihi walaalo waa qodobadii lagu horumarinaay Nafsada oo dhan balse waa inyar oo dabshid kuu noqon doonta insha Allah. Waxaana weeye:-


          1️⃣KU DADAAL KHAYRKA.

  

Ku dadaal inaad noqoto daaci same wade ah oo dadka xaga Alle ugu yeedha kuna baraarujiya dadka gudashada Awaamiirta Alle iyo ka taggida waxyaabaha Alle xarimay. Naftaadana ugu horeeysii sidii ay khayrka ugu dhagi lahayd , intaas kadibna Naftaada ku tababar sidii walaalaha kale ee muslimkaa aad khayrka iyo wanaaga u gaadhsiin lahayd. Sidaa awgeed u ogolow inaad dadka walaalahaga waaniso, dhiirigaliso, Kaalmeyso, qaddariso, Ixtiraamto wanaagana farto xummaantana ka reebto. Taasi waxaynu ku tilmaami karnaa habka iyo hanaanka ugu mudan uguna muhiimsan ee aad natfaada iyo nafaha kale ee kugu xeeran u wanaagin lahayd una horumarin lahayd. 


           2️⃣NAFTAADA JECLOOW.


Markasta ahoow qof jecel nafsadiisa lana jecel waxyaabaha anfacaaya aduunkeeda iyo aakhrideeda, Kana ilaali inaad naftaada garab dhigto dadka kale maxaa yeelay taasi waa sababaha lagu yaqaan dadka hooseeya ee daciifkaa. Sidaa daraadeed  Ku dadaal markasta sidii aad naftadaada uga shaqayn lahayd horumar keeda, hore socodkeeda iyo guusheeda shakhsiyeed ee ay tammani nayso. Dhiirigali oo tababar, La xisaabtan oo la gaar noqo, dabadeed ka dhig Nafsadaada iyo noloshaadaba iftiin ay ku soo hirtaan iyo tusaale ay ku daydaan dadka ku hareeraysan, si ay qaar sababtaada awgood iska bedalaan dhaqan xun oo ay lahaan jireen noqdaana kuwo gabi ahaanba baddeley dhaqankii hore noqdayna kuwo adiga kula tartaamaya hammi ummadeedna xambaasran si walaalo kale iyana u badaleen.  


      3️⃣MARWALBA DADKA CAFI


Nolosha sideedba lagama waayo dad ku dhiba iyo kuwa ku waxyeela labada, hadaba adigoo taas ka duulaaya waa inaad noqotaa qof cafis badan, saamaxaad iyo dhibrin badan sidoo kale noqo qof leh qalbi saafiya oo ka madhan cuqdad, xaasidnimo, cadaawad, xisdi iyo xumaan. Intaas markaad qalbigaaga ka ilaaliso waxaad noqonaysaa qof wanaagsan oo nadiif ah. Taasina waa sababaha keenayaa inaad noqoto mid horumarsan oo ku guuleysata waxkasta oo uu doonaayo.Cafisku waa darajo aad u qaaliya taas oo Alle iyo Rasuulkuba { صلى الله عليه وسلم} ina amreen inaan yeelano ama ku sifowno gaar ahaan dadka muslimiinta, maxaa yeelay waxaa laga dhaxlaa ajar iyo fadli aad u badan. Sidaa awgeed noqo walaalo qof cafiska laasima walina xiliyada hada la joogo, waayo waxaad arkaysaa dad badan oo Muslima ah hadana isku calool xaadhneyn oo is xasdaaya oo is colaadinaaya.


 4️⃣MARWALBA DHINACA WANAAGSAN WAX KA EEG


Wanaag sanaantu waxay markasta ku jirtaa inaad noqoto qof xagga toosan ee quman sheey walba ka eegga balse aan dhinnaca shaydaanka wax ka eegin, Waayo waxaa la yidhaa dadku intooda badan waxay wax ka eeggaan dhinaca xun sababtuna waa shaydaanka ayaa ka xoog badan iyaga. Tusaale ahaan saaxiibkaa ayaad wadda socoteen muddo fara badan kadib dhowr ayaamood ayuu kula hadli waayay oo weji kaleba kuu yeeshay, Ha odhan markiiba anna dib laygu arki maayo balse isweydii muxuu saaxiibka kuula coloobey! ma wax xun oo dhibaaya ayaad ku tidhi adoo hilmaamsan?  mise saaxiibo xun ayaad ka jeclaatay isaga?  Akhriste waa Muhiim su'aalahaas inaad markasta maskaxdaada ku hayso si aad uga badbaado fariimaha xun- xun ee shaydaanku kugu was-waasinaayo.  Markaas ayaad oggaanaysaa cilladu halkay tahay xitaa hadii aad waxna ku weydo adigu ahoow qof wanaagsan si aad tubtii toosneyd ugu soo dabaashid mar kale . 


        5️⃣QOFNA HA DHIBIN.


Iska ilaali waxkasta oo dhibaaya walaalkaaga Muslimkaa, kuwaas oo noqon kara waxyeelo Afeed ( carabka ) iyo mid adinba, waayo waa labada ugu badan ee dadka dhibta looga geysto sidaa daraadeed ciddna ha dhibin, ha xaman, ha caayin, Adigoo sharaf tooda iyo cirdigooda meel kaga dhacaaya. Hadiiba xitaa adiga lagu xumeeyay, adigu waxna ha geysan balse ku taagnoow jidka toosnaanta. Hagaag, hadaba akhriste noqon qof dhawrsoon oo quman, toosan, dantii yaqaana, hadal gaaban oo ay  Alle ummadiisuna ka nabad galaan.  intaas hadaad samayso waxaad noqon doontaa adoon wanaagsan oo dadku jecelyihiin Alle na raali ka yahay. Maxaa ka wanaagsan inaad darajadaa gaadho taas oo ah inaad noqotey qof noloshiisa qiimo iyo sharaf u yeelay.


Waad mahadsantahay Akhrintaada walaalo.  la wadaag asxabtaada kale hadii aad jeclaatay qormadan muhiimkaa.



Dawadnews kala soco markasta warar,  warbixino, taariikh, talooyin caafimaad iyo mid noloshaba aha.

0 Comments