Buy Now! Documentation

Breaking News

KOOXDA FALASTIINIYIINTA AYAA DUQAYMO KU GARAACAY TALAABIIB.

Kooxda islaamiyiinta ee falastiin ka dagaalama ayaa duqaymo xoogan ku garaacay magaalada talaabiib siday sheegtay warbaahinta Israel taas oo ku sheegtay weerar aargoosiya oo ay soo fuliyeen.

Hawlkaas ay fuliyeen falastiiniyiintu ayaa la sheegay inay ku dhaawac meen ugu yaraan 7 qof. Wax dhimasho ahna lama sheegin. Khaalid albaash oo ka tirsan kooxda Islamic jihaad ayaa sheegay in weerarka lagu qaaday talabiib uu yahay kii ugu horeeyey  ee iska caabinta wax ka socda Jenin.


Sharaakiisha falastiiniyiinta ayaa sheegay in ay ka qaxeen ugu yaraan 3000 kun oo qoys kuwaas oo ka qaxay xeryihii qaxoontiga ee jenin halkaas oo ay ku noolaayeen. Tan iyo markii ciidamada isreal oo taageero ka helaaya diyaaradaha dagaalku hawl gal balaadhan ka fuliyeen xeryaha qaxoontiga ee jenin.

Raysal wasaaraha isreal Benjamin Netanyahu ayaa sheegay in hawlkan military sii socon doono ilaalaayo inta loo baahdo ama ujeedkiisa laga gaadhaayo, waxaanu ku tilmaamay hawlgan ka dhan ah argagaxisada falastiin. Dhanka kale siyaasiyiinta falastiin ayaa iyaguna ku tilmaamay hawlgalkan isreal wado duulaan ba'an oo ka dhan ah dadka wadankoodii xooga lagaga haysto misana dagaal iyo duqaymo lagu hayo.

Falastiiniyiinta ayaa laga dilay ugu yaraan 3 qof waxaana falkaas ka dhacay daanta galbeed cambaaraysay ururka jaamacada carabta oo ku tilmaamay falal aad u xun oo ay caadaysatay isreal inay markasta fuliso.


Kala Soco Dawad Times magazine warar, Warbixino iyo falaqaynta siyaasada.

0 Comments