Buy Now! Documentation

Breaking News

KHILAAFKII DOORASHOOYINKA QARANKA SOOMALILAND OO WELI KA TAAGAN DALKA.

Doorashooyinka Soomaliland ayaa mar kale cirka isku shareeray kadib markii ay dhamaatay kaadh qaadashadii guud ahaan dalka.

Khilaafkan ayaa yimi kadib markii guddida doorashooyinka qaranku ay soo saareen waraaq taas oo ay u dirayaan maxakamada sare ee dastuurigaa.

Waraaqdan ayaa ahayd mid ku salaysan go'aaminta laba doorasho mid soo horeeynaysa taas oo ay guddida koomishanka qaranku isku khilaafeen iskuna maan dhaafeen.
Qaar kood ayaa yidhi aynu go'aamino muddada doorashada iyo weliba mida soo horeeynysa.

Laakiin waxaa diiday oo ka hor yimi guddoomiyaha koomishanka qaran muuse iyo xubne kale ayaa ku adkaysatey in maxakamada loo gudbiyo maadama khilaaf daran jiro oo u dhexeeya xisbiyada mucaaraadka iyo xukuumada.

Waxaana hada go'aanka laga sugayaa maxakamada sare waloow ay mucaaradku ka hadleen oo arinta maxakamadu soo gashay ku tilmaameen in ay shaqo aan teedii ahayn hayso oo dastuurku siinayn awoodan balse ay leeyihiin haa'ayada koomishanku.

Ugu danbayn, wali waxaa la sugayaa go'aanka ay soo saarto maxakamada sare taas oo aan laysku raacsanayn ilaa hada xisbiyada mucaaradkuna diidan yihiin. Waxaa maanta madashii la dhagax dhigaayay suuqii waaheen wejigii labaad ka hadlay madaxweyne muuse taas uu yidhi "sanadkan aynu galnay waxaanu galaynaa doorasho ".


Hadalka madaxweynaha ayaa kusoo beegmaaya xili uu jiro khilaaf ba'an oo ka taagan doorashooyinka Soomaliland taaso ay falanqeeyayaashu ku tilmaameen in hadii xal laga keenin ay dalka ku sababi karto sababo amni oo tii sanadkii hore dhacday oo kale.

Wixii  warar ee soo kordhana halkan nagala socda saaxiibayaal mahadsanidiin.

0 Comments