Buy Now! Documentation

Breaking News

DARAASAD: Caruurta miisaankoodu yaryahay oo xanuuno inay haleelan khatar ugu jira

 


Cilmibaadhis mareykanka lagu sameeyey ayaa daah furtey in caruurta miisaanka aadka u yar ku dhalataa ay khatar u yihiin iney caruurnimada ku haleelaan xanuunada ku dhaca wadnaha iyo xidida dhiiga.

Cilmibaadhayaashu waxay cadeeyeen in miisaanka uu dabiici ahaan uu ilmuhu ku dhasho uu yahay 2.5 kg ilaa 4kg.Haddii uu ilmuhu 2.5kg ka hooseeyana macnaheedu tahay iney jirto dhibaato caafimaad oo sababtey.

Daraasadan oo natiijadeeda lagu faafiyey Joornaalka Development Origins of Health and Disease ayaa lagu sheegay in caruurta miisaankoodu uu hooseeyo marka ay dhashaan ay khatar u yihiin wadne wareen (heart attack), dhiig furan ku dhaca maskaxda iyo xanuunada ku dhaca halbowlayaasha dhiiga oo ku sababa iney adkaadaan.

Dr Amina cumar oo ka mida hormuudka daraasadan sameeyey ayaa sheegtay, in haddii xaaladan la ogaado goor hore oo ah inta uu ilmuhu uurkaku jiro iyo weliba marka uu ilmuhu dhasho iney jirto fursad lagu faragelin karo oo xaaladaa wax looga qaban karo, taas oo ay xalka ka mid tahay in laga shaqeeyo in ilmuhu helo nafaqo
ku haboon iyo in si cilmiyeysan loola socda koritaanka ilmaha.


Kala Soco Dawad Times Magazine cilmi baadhis, warar iyo Warbixino hada taagan oo xasaasiya. 

0 Comments