Buy Now! Documentation

Breaking News

WAA MAXAY FAA'IIDOOYINKA CAAFIMAAD EE LAGA HELO CABITAANKA BIYAHA EE SALAADA HORE ?

 

Maadama ay biyuhu yihiin qayb ka mid ah nolosha la'aantoodna aanay suuragal ahayn inuu qofka Bina aadamkaa noolaado waxaynu halkan kusoo gudbin doonaa ilaa 5 faa'iido oo muhiima, way ka badan yihiin intan laakiin inta ugu caansan kasoo xulanaynaa, waxaana ka mid ah :-
1. BIYUHU WAXAY KORDHIYAAN HEERKA TAMAREED EE JIDHKAAGA:-
Biyuhu waxay kor u qaadaan unugyadeena cas cas ee dhiiga tiradooda, sidoo kalena waxay kordhiyaan ogsajiinta ay hesho maskaxdeenu. Kor u kacaas ogsajiintu waxay abuurtaa digniino iyo tamar fara badan oo lagama maarmaan u ah badqabka noloshaada jidheed. Isticmaalka aroorta hore biyo halkii aad shaah ama bun cabi lahayd waxay calooshaada ka badbaadinaysaa Acid inay samaysmato. Markaas waxaa lagugula talinayaa inaad badasto aroorta hore biyaha. 

2. WAXAY KOR U QAADAAN DHEEFSHIIDKA JIDHKA. 
Cabitaanka biyaha ee subaxa hore sidoo kale waxay horumariyaan hab dheefshiidka jidhka taaso qofku hadii uu dheefsiidhkiisu [ digestion system] daciif yahay dhakhtaradu kula taliyaan inuu biyaha badsado. 17 wiqiyadood ee biyo ah, oo noqonysa ilaa 28 gram oo biyaha ayaa ragga iyo dumarka waxay kor u qaadayaan 30%. Sidoo kale biyuhu waxay kaa dhigayaan mid dharagsan oo fats badan lahayn. 

3. WAXAY KAA CAAWIYAAN INAY JIDHKAAGA KA YARAADAAN XANUUNADU.
Cabitaanka biyuhu waxay kaa caawiyaan inay saliideeyaan laabatooyinka jidhka qofka. Cabitaanka maalinkasta biyo kugu filan waxay ka saaraysaa meesha [Acid wastes ] taas oo jidhkaaga ka dhigaysa mid dhisan oo caafimaad qaba.
4. WAXAY LA DAGAALAMAAN SUNTA JIDHKA SOO GASHA.
Biyuhu markasta waa meesha kaliyee nooluhu ka socda la'aanteedna aanu noolaan karayn, sidaa darteed cabitaanka biyuhu waxay kaa caawiyaan inay meesha ka saaran sunta jidhka markaad kaadinayso ama dhidido. Sidoo kale biyuhu waxay nadiifiyaan midhicirka kaas oo u sahlaysa inuu si fudud ku nuugo nafaqada shaqadiisana qabsado, sidoo kalena waxay nadiifiyaan kalyaha kusoo oo soo saara hormoono, nuugaaya macdanta sidoo kalena shaandhaynaaya dhiiga ugu danabynta soo saara urine [ producing urine].

 

Tarjumid by Dawad Times Magazine team.


 Kala soco markasta Dawad Times Magazine warar, Warbixino,Dhacdooyin,  cilmi baadhis caafimaad iyo weliba falanqeynta siyaada. 

0 Comments