Buy Now! Documentation

Breaking News

Afganbi milateri oo ka dhacay Waddanka Niger

 

Afhayeenka ciidamada Niger Colonel-Major Amadou Abdramane oo hadlaya mar uu ka soo muuqday telefishinka qaranka, ka dib markii madaxweyne Mohamed Bazoum lagu qabtay qasriga madaxtooyada ee Niamey, Niger, July 26, 2023.

Milariga Niger ayaa sheegtay in ay xilka ka xayuubiyeen Madaxweyne Mohamed Bazoum galinkii dambe ee Arbacadii, saacado kadib markii xubno ka tirsan ilaalada madaxtooyada ay ku xidheen siyaasiga gurigiisa rasmiga ah.

Warbixin laga sii daayay telefishinka qaranka, Kornayl-Major Amadou Abdramane wuxuu ku sheegay in "difaaca iyo ciidamada ammaanku ay go'aansadeen in ay soo afjaraan nidaamka ka jira dalka ee madaxweyne mohamed bazuom hogaamiyo"..

Tani waxay daba socotaa sii xumaanshaha joogtada ah ee xaaladda amniga, maamul xumada bulshada iyo maarayn xumida dhaqaalaha."

Askariga ayaa intaas ku daray in xuduudaha dalka ay xidhan yihiin, isla markaana uu jiro bandow dalka oo dhan ah. Waxaa sidoo kale shaqada laga joojiyay dhammaan hay’adaha dalka, ayuu raaciyay.

Abdramane ayaa waxa ag fadhiyey oo ay garabkiisa  taagnaa sagaal sarkaal oo ah kuwa ugu sareeya ciidamada qalabka sida ee dalka. Kooxdan isku magacaawday Golaha Qaranka ee ilaalinta dalka ayaa ka digay faragelin shisheeye.

Ku dhawaaqista ayaa timid ka dib maalin hubanti la'aan ah iyadoo madaxtooyada Niger ay soo warisay in xubno ka tirsan ciidamada ilaalada gaarka ah ay ku howlan yihiin "mudaaharaad ka dhan ah jamhuuriyada" iyo wakaaladaha wararka ayaa sheegay in Bazoum lagu hayo qasriga ciidamada gadoodsan..


Nagala soco warar iyo warbixino maalinlaa maalinkast.DawadTimes Magazine

0 Comments