Buy Now! Documentation

Breaking News

Yaa noqonaaya shirdoonka cusub ee golaha wakiilada jsL ?

 

Waxaa berri furmaaya fadhigii golaha wakiilada kaas oo la filaayo in la doorto shirdoonka cusub ee golaha wakiilada jsL.  


Hadaba tartan ayaa noqonaaya mid u dhaxaynaaya labadan masuul ee xildhaan faratoon kaas oo ay wataan xisbul xaakimka isagoo garab ka helaaya urur siyaasadeedka kaah kaas oo uu ka tirsan yahay.

Masuulka kalena waa xildhibaan cali xaamud jibriil oo hore u ahaa gudoomiye ku xigeenkii labaad ee golaha oo isna hada jagadan guddoomiye u tartamaaya kaas oo ay wataan xildhibaanada labada xisbi ee waddani iyo ucid.

Gabo gabadii loolankan ayaa la saadaalinayaa in berri oo sabti ah ama axada la doorto guddoomiyaha cusub ee golaha wakiilada jsL oo in mudo ahaba banaanayd.

Hadaba akhiste masuul is leedahay waa la dooranayaa ama guulaysanayaa ?.



Wixii warar iyo warbixin ee soo baxa halkan kala soco oo isha ku haay. Mahaddanid 

0 Comments