Buy Now! Documentation

Breaking News

Sheekh Nayjeeriyaan oo dhacdo cajiiba laga tabiyey.


Shaykh Dahiru Bauchi al-Tijāni waxa uu gaadhay guul aan caadi ahayn oo aan hore loo arag taariikhda bini aadamka.

Waxa uu haystaa rikoodhka ah in uu haysto tirada ugu badan ee tafiirta Qur’aanka kariimka ah oo dhan qaybsan ama xafidsan. Waana guul uu si sax ah ugu mutaystay in uu ka galo buugga caanka ah ee Cholan Book of World Records.

Dhaxalkiisu runtii waa mid cajiib ah, isaga oo leh wadar ahaan 95 carruur ah iyo waliba 406 ay sii dhaleen iyo 100 ay awoowe u yihiin. Nasabkan baaxadda waa kuwo cajiib leh waxaana ka mid ah 77 carruur ah oo uu dhalay, 199 ay awoowe u yihiin iyo 12 ay awoow u yihiin ayaa noqday Xuffādh, shakhsiyaad xafiday Qur'aanka oo dhan.

Sheekh Dahiru Cismaan waa 96 jir hada da'diisu waa caalim weyn oo diinta faafiya waana hoggaamiyaha ugu sareeya kooxda suufiyada ee dalka najeeriya ee loo yaqaano Al-tijaaniyah
.


Warkan ayaa ahaa mid mareegaha caalamka si weyn looga hadal hayay kaas oo ku baahay dunida caalamka. Dawad ayaa heshay warkan ama warbixintan oo ku qornayd afka Ingrisiiga kaas oo ay soo turjumtay. 

kala soco markasta dawad Times magazine warar, warbixino, taariikh, falanqeyn siyaasad ee gudaha iyo dibada caalamka. Wixii talo iyo tusaale ah noogu doo hagaaji Emailkan DawadChronicle@gmail.com

0 Comments