Buy Now! Documentation

Breaking News

Dhegaha xadhig la’aanta ee apple air pods oo sababa cudurka kansarka.

 

Daraasad cusub oo la sameeyey ayaa sheegtay in dhagaha xadhig la’aanta ah ee loo yaqaano apple airpods la xaqiijiyey iney sababaan cudurka halista ah ee kansarka sida ay isku raaceen khuburo caafimaad oo gaadheysa 250 xeel dheere caafimaad.Apple airpods waxa uu ka mid yahay agabyada loogu iibsiga badan yahay caalamka.250 saynisyahanno oo ka soo jeeda 40 dal oo caalamka ah ayaa digniin u direy haayada caafimaad adduunka ee WHO kuna saabsan arrintan. Waxaana lagu sheegay sababta ay qofka u dhaxal siin karaa cudurka halista ah ee kansarka pods-ka oo leh kaahfalka hirbaacyada raadiyaha kaas oo lagu adeegsado wifi-ga iyo Bluetooth oo khatar u ah kanaalka dhegta, sidaa darteedna sababi kara xitaa khataro kale oo xitaa ah in dhagta waxyeelo soo gaadho.

0 Comments