Buy Now! Documentation

Breaking News

DARAASAD: faa'iido ma leedahay isticmaalka badan ee ukuntu ?


Daraasad cusub ayaa xog ka tilmaamtey isticmaalka badan ee ukunta iyo korodhka cholesterol-ka (maado laga helo unugyada jidhka oo caawisa badashada baruurta dabeetana xidha halbowlayaasha dhiiga) iyo cudurada ku dhaca wadnaha ee sababi kara dhimasho.

Baadhitaanka oo lagu daabacey ama lagu xusay wargeyska caalamigaa ee “wall street journal”ayaa tilmaamey in 300mg oo cholesterol ah uu horseed u noqon karo khatarta cudurada wadnaha. 

Natiijooyinka daraasada ayaa muujiyey in 17% dadka ka qayb galey baadh- itaanka oo gaadhey 30kun oo qofood in lagu arkey fursado u bandhigi kara cuduro wadnaha, halka 18% dadkaasi u dhinteen wadna xanuun.

Ukunta ayaa ka kooban xadiyo fara badan oo cholesterol ah waxaana qofka oo qaata ukun badan uu  kala kulmi karaa khataro caafimaad oo hadda ka digayaan xeel dheerayayaasha caafimaadka. 

Waxay timid natiijadan kadib markii si balaadhan loo baadhey habdhaqanka cunto iyo caafimaad 30 kun oo qofoodcaafimaadka.Waxay timid natiijadan kadib markii si balaadhan loo baadhey hab dhaqanka cunto iyo caafimaad 30 kun oo qofood oo ka qayb galey baadhitaanka oo socdey muddo sanad ah .

Daraasada ayaa xidhiidh ka dhexaysiisey in cunista 3 ilaa 4 ukun todobaadkii ay sababi karaan khatarta cudurada wadnaha 6%. Waana halis khatar ah oo ay moogan yihiin dadyow fara badan oo soomaaliyeed caafimaad darona u keeni karta.

0 Comments