Buy Now! Documentation

Breaking News

DARAASAD: Sida jacaylku u saameeyo maskaxda bani’aadamka.

Saynisyahano u dhashay shiinaha, ayaa cilmibaadhis ku sameeyey sida jacaylku u saameeyo maskaxda qofka, waxaaney sheegeen in dadka jacaylku hayo ay qaybo badan oo maskaxda ka mida aad u shaqeeyaan, marka loo eego qofka aan wax jeclaan amma hore u soo marey jacayl oo ka bogsadey..

Cilmibaadhayaashu waxay sheegeen in qofka jacayl ku ku cusub yahay ay maskaxdiisu aad u firfircoon tahay, dhiirigelin badan iyo inuu dhaq dhaqaaaq badan sameeyana u horseedo.

Daraasadu waxay sheegtay in lamaanaha marka midba midka kale uu aad u daneeyo ay sabab u tahay qaybaha maskaxda ee shaqaynaya oo keena inuu aad uga fikiro qofka kale, halka qofka aanu jacaylku weligii ku dhicin ay qayb keliya oo maskaxda ah firfircoon tahay.

Prof xiaochu zhang oo ka socdey jaamacdad sayniska & teknoolajiyada ee Hefei ee dalka shiinaha ayaa sheegay in daraasadoodu soo bandhigtey caddeyn muujisey in qaybo badan oo maskaxda ay firfircoon aadaan qofka jacaylku ku dhaco.

Cilmibaadhista oo ay ku daabaceen jariirada frontiers ee neerfisyada habdhiska dareemada neerfisyada bani’aadamka ka faalloota ayaa, lagu xusey in dadka qofka ay is jeclaayeen kala xidhiidh furmaan amma aan weligii jacayl ku dhicin qayb ka mida maskaxdu shaqeyso oo qaybaha kale ka firfircoon tahay.

Natiijada baadhitaanka kasoo baxdey waxay iftiimisey saameynta uu jacaylku ku leeyahay maskaxda, waxayna khubaradu baadheen maskaxda 100 qof oo rag iyo dumar isugu jira oo ka tirsan jaamacada Chongqing, qaybteeda cilmibaadhista. 

Ardeyda ayaa loo kala qaybiyey saddex qaybood oo kala ahaa qaar wax jecel, qaar xidhiidh jaceyl oo
ay lahaayeen ka burburey waqtigaas uun iyo koox aan weligood waxba jeclaan.


Waxay khubaradu ogaadeen in dadka jacaylku hayo maskaxdoodu aad u firfircoon tahay, gaar ahaan qaybta isku xidha shaqada maskaxda, gaar ahaan qaybta la yidhaahdo Caudate Nucleus, amygdale iyo Insula oo ah qaybaha maamula in maskaxdu noqoto mid firfircoon oo shaqdeedu badato.

Dadka iyagu xidhiidhkooda jacayl muddo yar ka hor uun burburey, waxa aad u shaqeysa qaybta rajada iyo xusuusta, inta badana maaha qaar
firfircoon, halka dadka aan weligood wax jeclaan aan maskaxdoodu ka fikirin waxyaabaha farxadda & firficoonida ah ayna yihiin dad aad u adag sida cilmibaadhistu xustey.

0 Comments