Buy Now! Documentation

Breaking News

TAARIIKHDII SOMAALIDII HORE

 


Soomaalidu waa dad taariikh ama sooyaal fog leh kuwaas oo ay degelbaadhaaysaha iyo taariikhyahanadu ku sheegaan inay jireen ilaa dhawr qarni. Waad dad wadaaga dhaqan, af iyo diin intaba inta badana waa dad dhaqda oo Caan ku ah meesiyada kala duwan ee xoolaha sida, Adhiga, geela, lo'da iyo fardaha. Soomaalidu waa degaan ahaan dega bariga Africa, gaar ahaan cidhifka beri ee geeska Africa. Waa dad ku ad-adag hidahooda iyo diintooda waana sababta keentay inay noqdaan dadka Africa ee ugu horeeya diinta islamka. Hadaba marka la odorosaayo cida ama meesha ay soomaalidu ka yimaadeen waxaa jira aragtiyo fara badan oo is khilaafsan oo taariikhyanadu isku diidaan.

Qaar kamida ah degelbaadhaaysahu waxay aaminsan yihiin inay soomaalidu ahaan kasoo jeedaan qomiyada ku hadashada afka ku shitiga, kuwaas oo dayamo ama daliilo usoo qaadanaaya midabkooda oo madow iyo xoolaha oo dhaqdaan oo bahda kushituga kala wadaagaan intaas. Kuwa kalena waxay aaminsan yihiin inay soomaalidu Asal ahaan ka soo farcameen carab, iyaguna waxay daliishanayaa maadama carabtii soo socdaashay qarniyadii 14aad iyo 16aad ee ganacsada ahayd yimaadeen Africa kana soo galeen Africa xeebaha gacanta cadan oo soomali deganayd hlkaasna halkaasna ku kala guursadeen oo ku farcameen carabtii iyo soomaldii .

Hadaba inaga oo raacaynaa aragtida ah inay soomaalidu carab kasoo jeedo waxaynu soo qaadanaynaa dad aan soomaali ahayn oo aragtidan qaba.Enrico Cerulli wuxuu ahaa qoraa talyaaniya oo joogay dhulka soomaalida hilaadii gumaysiga. Waxaan waxyaabo badan ka qoray bogga sideed iyo afartanaad ee kitaabkiisa kor ku xusan ku yidhi:

"I somali erano sulla costa del Golfo di 'Aden e vivevano, dediti al nomadismo, ai margini dello stato musulmano abissino, che nel secolo tredicesimo aveva il suo centro nell'Ifat ed il suo porto principale a Zayla'." 

Warkaas macnihiisu waxaa weeye:

"Soomaalidu waxay deganayd Gacanka Cadmeed\عدن خليج oo waxay ku noolaayeen xoolo dhaqashada, waxayna daris la ahaayeen dawladda muslimka ah ee ka dhisnayd arliga xabashada, taasoo qarniga saddex iyo tobnaad uu bartameheedu ku yiillay gobolka (boqortooyada) la yiraahdo Ifaat\إفات, dekaddeeda ugu waynna ay ahayd Zaylac."

Sidoo kale wuxuu yidhi dhulkan u dhexeeya Gacanka Tajuura, oo magaalada Jabuuti waqooyiga ka xiga, ilaa laga gaadho Raas Guardafui oo ay degganaayeen, ayay qabaa'ilka soomaaliyeed kasoo duuleen oo ay gaallada dhulka ka kiciyeen oo ka qabsadeen, waana arliga, sidaan usoo aragnay, ku yaalla Gobollada Dhexe iyo kuwa Koofureed ee Gobolka Ogaadeenya iyo Soomaaliyada uu talyaanigu gumaysto ee koofureed iyo qaybta soomaalidu deggan tahay ee "Mustacmaradda Kenya". 

"Dadka soomaalida ah ee ugu horreeyey oo dooxada koofureed ee Shabeelle dega kana yimaada dhulka asal ahaan u degi jireen soomaalidu waxay ahaayeen qabiilka (Hawiye) ee la yiraahdo Jiiddo."

Markaa aragtidan waxay sheegaysaa in dadka soomaaliyeed kasoo jeedaan carab maadama ay isku dhex milmeen oo sidookale ayaan carabtu kuwii keenay diinta islaamka in soo gaadho arliga soomaalida. 


Kala soco dawad wararka, taariikhda, diinta iyo falanqaynta siyaasada intaba nagu xidhoow oo nala soco wakht kasta. Wixii fariina ama faahfaahina  ~ DawadChroniclegmail.co

0 Comments